Al-shabaab oo Lagu Eedeeyay in ay Jabsadaan Baraha Bulshada Wasaarada Difaaca Kenya

0

Bogga Baraha bulshada Wasaarada Difaaca ee  twitter-ka ay ku leeyihiin  ayaa marwalba u muuqda mid xeriirkiisu uu xun yahay kaa oo inta badan lagu gudbiyo xogta ciidamada  oo dhowr jeer oo hore hawada kabaxa xili walba oo weerar lagu soo qaado iyada oo la’xusay in bilawgii bishii January weerarkii lagu aaday fariinsaka ciidamada Kenya ay ku lahaayeen deegaanka ceel cade in uu hawada kabaxsanaa isla markaana lagu faafiyay war been abuur ahaa oo qasaaro  badan lagu daabacay in loo geystay ciidamada kenyatiga

Weerarka El-adde oo dhacay 15 January 2016-ka oo in kabadan labo boqol oo askarta kenyatiga  lagu dilay islamarkaana xogtaas lagu daabacay ayaa ahaa mid aan soo ban dhigin  oo la’xayiray waxaana la’xusay in ka’hor waqtigaas 22-bilood hawada uu kabaxsanaa.

Laakiin weerarkii jimcadii lagu qaaday deegaanka kulbiyoow ayaa in kabadan 7 mar la’Update-gareeyay  bogga twitter-ka si xogtaasi loogu qoro balse waa ay u suura gali weysay  waxaana ay ku arkaan hay’adaha sirdoonka dalkaasi oo baaritaan ku sameeyay in warar Propaganda ah iyo kuwo  been abuur in  lagu faafiyay kuwaa oo ka dhan ah dowlada Kenya iyaga oo iminka sheegay in ay wadaan weeraro dhanka internet-ka oo lagu qaadayo Xarakada Al-shabaab waxaana saraakiil katirsan sirdoonka dalkaasi ay sheegeen in ay ka hortagi doonaan Weerarada ka dhanka ah baraha bulshada ee lagu sooqaado xukuumada Kenya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here