Ciidamada AMISOM oo Dad Shacab Ahaa Ku Laayay Qoryooley+Dhageyso

0

Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ayaa xalay madafiic qasaare dhimashoiyo dhaawac isugu jirta geystay waxa ay ku garaaceen Tuuladda Jaziira oo hoostagta degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Qof kamid ah dadka Tuuladda Jaziira oo magaciisa ka gaabday in uu shaaciyo ayaa idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho u xaqiijiyay in  dhowr madfac ay Ciidamada Midowga Afrika Amisom ay ku gaaraceen Tuuladaas iyagoo kaga shakisan in ay ku sugan yihiin dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay qofka kamid ka  ah dadka deegaanka in madaafiicda ay ku dhinteen 7-qof halka anay ku dhaawacmeen 11-ruux oo xiligaan xaaladooda laga dayrinaayo dhamaana ahaa dad shacab ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here