War Deg Deg:-Diyaarad Helicobter ah oo Caawa Lagu Soo Riday Deegaanka Kulbiyow

0

Wararka ka imaanaya Deegaanka Kulbiyow dhanka Kenya ayaa ku waramaya in mid kamid ah diyaaradaha helicopterka Ciidamada Malatariga Kenya in galabta lagu soo  riday deegaankaas.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubba-land oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada muqdisho ayaa xaqiijiyay in diyaarada ay sameynaysay Howlo roondeen ah iyo in deegaankaas ay ka difaacdo dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo shalay weerar ku qaaday Saldhiga Ciidamada Kenya ee deegaanka Kulbiyow.

Saraakiisha Maamulka Jubba-land ee Idaacadda Simba la hadlay ayaa hadalkooda intaas ku daray in diyaarada qoriga baasuukaha loo yaqaano ay ku dhifteen Ciidamada Al-shabaab oo wali ku harsan deegaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubadda Hoose, waxaa haatan la xaqiijiyay in diyaarada ay soo dhacday.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here