Gudoomiye ku-xigeen Degmada kunturwaarey ee Gobalka Shabeellaha Hoose muxudiin Khaliif Caliyow oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Al-shabaab ku Eedeeyey Madaafiic ku garaaceen Guryo ay daganaayeen dad rayad ah oo ku yaala Deegaanka Buulo-Mareer halkaasi oo ay ku Naf waayeen Dad ay ku jiraan Dumar iyo Caruur.
Gudoomiye ku Xigeen Degmada kunturwaarey oo hadalkiisa sii wata aya sheegay in Deegaanka buulu-mareer ay ka socdaan Howlgalo lagu baadi goobayo ragii fududeeyay duqeynta lagu garaacay deegaanka buula mareeer
Howlgalkaan ayaa imaanaya kadib Markii ay Xalay Rag la sheegay iney ka tirsan yihiin Al-shabaab ay Weerar gaadmo ah u Dhigay Ciidamo ku sugnaa Duleedka Deegaanka Buulo-marer sidoo kale Duqeynmo ku garaacay Deegaankaasi.

