Gudoomiye ku-xigeenka Labaad ee baarlamanka Federaalka Soomaliya Mahad Cabdala Cawad oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya ayaa ka hadlay Tacadiyada iyo dilalka ay Ciidamada AMISOM ay u geystaan Shacab Soomaliyeed.
Mahad Cabdala Cawada Gudoomiye ku-xigeenka Labaad ee baarlamanka Federaalka Soomaliya ayaa sheegay in aan loo baahneen in si weyn loo buunbuuniyo dilalka ay geystaan Ciidamada Midowga Afrika Amisom, isagoo tilmaamay in dilalka ay geystaan Ciidamada AMISOM ay lamid yihiin kuwa ay geystaan Ciidamada Dowladda federaalka Soomaliya.
“Dilalka ay geystaan Ciidamada AMISOM waa kuwa lamid ah kuwa ay geystaan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya, wax sidaas loo buun-buuniyo ma ahan, dadkii iyo xoolihii ugu dambeeyay ay Ciidamada Amisom laayeen Madhow ayay laga bixiyay”, ayuu yiri Gudoomiye ku-xigeenka Labaad ee baarlamanka Federaalka Soomaliya Mudane Mahad Cabdala Cawad.
Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili Warbixin ay soo saartay Hay’adda u dooda xaquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ay ku sheegtay in loo baahan In baritaano dheeri ah lagu sameeyo dilalkii ay geysteen Ciidamada midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya ku sugan.

