Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo 27-sano Kadib Hindiya Ka Dalbaday Shahaadadiisii Masterka

0

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuuud ayaa muddo haatan laga joogo 27-sano waxa uu dowladda Hindiya ka dalbaday Shahaadadiisii Masterka, kadib markii sanadkii 1986 tagay dalkaas, isagoo ku biiray jaamacadda Bhopal ( hadda Waa jaamacadda Barkatullah ). Halkaas oo ka dhameystay heerka master-ka  1988.

Sida uu qoray Wargeyska Hindustan Times Madaxweyne Xasan ayaa 27 sano kadib dalbaday shahaadadiisii Masterka, isagoo 2015 warqad u qoray dowlada Hindiya isagoo ka codsanaya inuu helo shahaadadiisa.

Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sanadkii 20015-kii  booqasho uu ku tagay dalka Hindiya islamarkaana  khudbad ka jeediyey jaamacadii oo masterka ka qaatay, waxaana dalka Hindiya deeqo waxbarasho siiyaa arday farabadan, sanad waxbarasheedka 2015/2016 Hindiya waxa ay bixisay 3,339 deeq waxbarasho.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here