Guddiga Isku-xirka Hawlaha Milliteri ee AMISOM ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano (The Military Operations Coordination Committee (MOCC) ayaa kulankii 22-aad ku yeeshay magaalada addis Ababa ee xarunta dalka Ethopia iyadoo kulankaas loogu hadlay howlgalka AMISOM ee Soomaliya iyo doorashooyinka Soomaliya ka socda.
Kulanka waxaa shir Gudoominayay Gudoomiyaha gudiga nabad galyada iyo amaanka ee Midowga Africa Ismail Chergui waxaa sidoo kale kulanka ka qeyb galay wakiilo ka socday dowladaha Ingriiska, mareykanka, Ururka Midowga Yurub, iyo Qaramada midoobay waxaa si qoto dheer loogu hadlay howlgalka AMISOM ee Soomaliya iyo doorashooyinka Soomaliya.
Ka qeyb galayaasha kulanka ayaa sidoo kale waxa ay si dheer kaga doodeen doorashooyinka ka dalka Soomaliya ka socda, waxayna isku raaceen in loo baahan yahay in la tiigsado meel sare,waxay sidoo kale ka digeen in dib loogu laabto burbur.
Guddiga Isku-xirka Hawlaha Milliteri ee AMISOM ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano (The Military Operations Coordination Committee (MOCC) ayaa dhanka sheegay in loo baahan yahay la qalabeeyo Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed (SNA) si ula wareegeen goobaha ay ka baxayaan Ciidamada Midowga Afrika Amisom oo Soomaliya ka baxayA bilowga Sanadka Cusub ee 2018-ka.
Sidoo kale Guddiga Isku-xirka Hawlaha Milliteri ee AMISOM ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano (The Military Operations Coordination Committee (MOCC) ayaa dalbaday Ciidamo dheeraad ah oo gaaraya 4,000 oo askari oo kamid noqonaya Howlgalka AMISOM si ay ula dagaalameen Ciidamada Xarakada Al-shabaab.
Ugu dambeyntii Guddiga Isku-xirka Hawlaha Milliteri ee AMISOM ayaa ugu baaqay Ururka Midowga Afrika in uu ka shiro dhibaatooyinka ay tabanayaan wadamada Ciidamada usoo diray wadanka Soomaliya sida Burundi uu ku hanjabtay in ay Ciidamada kala baxayso Soomaliya hadii aan la siini mushaaraadkooda inkastoo la xaliyay dhawaan.

