Madaxweynaha Kenya oo Sheegay In ay Hoos u Dhaceen Weeraradii Al-shabaab ay Fulin Jireen

0

Madaxweynaha dalka  Kenyan Uhuru Kenyatta ayaa sheegay  in falalka amni darro ee dalkaasi ka dhaca  in hoos ay   u dhaceen  marka  loo eego sanadii hore  isla markaana ay yaradeen tirade weeraradii Al shabaab ee ka fulin jireen  dalka Kenya marka la barbar dhigo sanadii 2015-kii oo dalka Kenya weeraro aad u badan ay ka dhaceen kuwaa oo qasaarooyin badan ka dhaliyay dalkaasi.

Uhuru Kenyatta ayaa sheegay asbuucii la’soo dhaafay in 16 qof lagu dilay gudaha dalka Kenya oo Xarakada Al shabaab mas’uuliyadooda ay sheegteen halka sanadkii 2015-kii 202 qof dalkaasi Weeraro ka dhacay ay ku dhinteen.

“Waxaa jira horumaro badan oo laga gaaray la’dagalanka Xarakada Al shabaab awooda Ciidankeenu waa mid sareysa waxeyna kordhiyeen  feejignaantooda” sidaasi waxa yiri Uhuru Kenyatta.

Dowlada Kenya ayaa la kulantay weeraro kaga yimaada Xarakada Al shabaab tan iyo markii Ciidamadeeda ay u soo dirtay dalka soomaaliya sanadii 2011-kii.

Weeraradii ugu waaweynaa ee qasaaraha badan uu ka dhashay ayaa waxa kamid ahaa weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga westigate mall  kaa oo dhacday sanadii 2013-kii waxaana ku dhintay 68 qofood iyo sidoo kale weerarkii 2015-kii ka dhacay jaamacada gaarisa oo ardey badan lagu dilay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here