Guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya oo ka kooban 10-xubnood oo ka socda Golaha shacabka iyo 6-xubnood oo ka imaanaya xubnaha aqalka Sare ee dalka, oo shalay si wadajir ah ay usoo saareen guddoonka labada aqal ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa ugu horeyntii waxaa lagu doortay Gudoomiyaha Guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya oo loo doortay C/raxmaan Ducaale Beyle oo kamid ah xubnaha aqalka Sare ee Gobolada woqooyi Somali-land, waxaa ku-xigeen loo doortay C/laahi Shiikh Ismaaciil Fartaag oo kamid ah xubanaha Aqalka Sare ee ka imaanaya maamul Jubba-land.


