Maamulka Jubba-land oo Ka Hadlay Markabkii Hubka Lagu Qabtay iyo Cidii Loo Waday

0

Maamulka Jubba-land ayaa ka hadlay Markab kusoo xirtay Dekadda Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ee Maamulkaas kaasi oo laga helay hubka nocyadiisa kala duwan islamarkaana la sheegay in uu mas’uul ka yahay Ganacsade kasoo jeeda deeganada Maamul Goboleedka Puntland.

Wasiirka Amniga ee Maamulka jubba-land Cabdirashiid Xasan Nuur, oo la hadlay laanta afka Soomaliga ee BBC-da ayaa sheegay in Markabka ay gacanta ku dhigeen Ciidamada amaanka Jubba-land haatan baariaano lagu hayo, waxa uuse ku sheegay in hubka la qabtay loo waday dhinacyada dowladda kaso horjeedo oo uu ula jeeday Xarakada Al-shabaab.

Cabdirashiid Xasan Nuur Wasiirka Amniga ee Maamulka jubba-land ayaa tilmaamay in baaritaano lagu hayo hubka islamarkaana dhawaan warbaahinta lasoo bandhigi  doono, isagoo sheegay in hubka loo waday Al-shabaab.

Dhanka kale Wasiirka Amniga ee Maamulka jubba-land Cabdirashiid Xasan Nuur, waxa uu ka hadlay dagaalkii saakay ka dhacay Degmada Badhaadhe ee Gobolada Jubada Hoose ee koonfurta dalka Soomaliya, waxa uuna sheegay in dagaalkaas lagu dilay askar fara badan oo ka Tirsan Al-shabaab oo deegankaas, islarmarkaana maxaabista dilal ku xukunaa la sii daayay.

Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Degmada Badhaadhe ee Gobolada Jubada Hoose ayaa ku waramaya in Ciidamada Jubba-land iyo kuwa Kenya in ay deegankas isaga baxeyn islamarkaana Al-shabaab ay dib ula wareegeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here