Miino Lagu Aasay Meel Ku Dhow Hoyga Duqa Degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan

0

Maamulka Degmada Buula-burde Ee Gobolka Hiiraan ayaa Faah-faahin ka bixiyey Qarax lagu aasay banaanka guriga duqa degmad Buulo-Burde ee Gobolkaas Mudane Cismaan Geeddi Cilmi.

Duqa degmada Buulo-Burde ee Gobolkaasi Hiiraan Cismaan geeddi cilmi oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in Ciidanka Amnigu ay fashiliyeen qaraxaas oo uu sheegay inay ka dambeeyeen dagaalyahanad Al-shabaab.

Duqa Buula-burde waxaa uu intaa ku daray hadalkiisa in ciidanka amaanku ay wadaan Howlgal ay ku baadi goobayaan kooxihii ka dambeeyey miinada la dhigay gurigiisa haddana cidanku ay hayaan tuhumo ku aaddan ciddii ka dambeysay Miinada.

Waxaana uu intaa ku daray hadalkiisa in ay maxkamad la tiigsandoonaan ciddii ay ku caddaato falkaan sida uu yiri Gudoomiyaha Degmada Buula-burde Ee Gobolka Hiiraan Cusmaan Geedi Cilmi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here