Labo Ruux oo Dhalinyaro ah oo Gacanta Laga Gooyay Deegaanka Kuunya-barroow

0

Maamulka Xarakada Al-shabaab ee Gobolka Shabeelaha Hoose  ayaa fagaare ku yaalla deegaanka Kuunya-barroow oo ka tirsan Gobolkaas ka fuliyey Xukun gacan goyn ah oo lagu fuliyey labo ruux la sheegay inay xatooyo sameeyeen.

Goobta fagaaraha ah ee Al-shabaab ay xukunkan ay ka fuliyeen ayaa waxaa goob joog ka ahaa saraakiil sar sare oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab,sidoo kale dadweyne usoo daawasha tagay qaabka xukunka gacan goynta uu u dhacayey ayaa halkaasi ku sugnaa.

Masuuliyiinta Maxkamadda  Xarakada Al-shabaab ee xukunka riday ayaa sheegay in labada ruux ee maxkamadd xukuntay lagu helay dambi ay galeen islamarkaana ay qirteen inay ka dambeeyeen fal xatooyo ah.

Xukunkaan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Maxkamadda Al-shabaab ee Gobolka Jubad Dhexe  ay xukun dil ah ay ku fulisay ruux la sheegay inuu ka tirsanaa Maamul Goboleedka Jubba-land.

Xarakada Al-shabaab ayaa deegaanada ay ka arimiyaan ee  ku yaalla Soomaaliya ka fuliya xukunno kala duwan oo isugu jira Qisaas,Gacan  Goyn iyo Rajmin oo ay ku ridaan dad ay sheegaan inay galeen dambiyo kala duwan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here