Labo Ruux oo Lagu Eedeeyay in ay Faafinayeen Xanuunka HIV Aids oo Lagu Qabtay Garoowe

0

Ciidamada amaanka Maamulka Puntaland ayaa Magaalada garoowe ee caasimada Maamulkaas ku qabtay lab ruux oo lagu eedeeyay in ay faafinayeen xanuunka HIV Aids.

Agaasimaha la dagaalanka xanuunka Aids-ka Dr C/raxmaan Saciid Dhagaweyne, ayaa warbaahinta u sheegay inay qabteen labo ruux oo kala ahaa haweeney iyo ruux rag ah oo xanuunka faafinayay, si ku talo gal ah.

Wuxuu sheegay in markii lasoo qabtay kadib  baaritaano lagu sameeyay islamarkaana la ogaaday in ay qabaan xanuunka HIV Aids, wuxuuna laamaha ku aamanay sida ay ugu guuleysteen soo qabashada shaqsiyaadkaas.

Hay’adda la dagaalanka xanuunka Aids-ka ayaa dhawaan sheegtay in ay jiraan shaqsiyaad ku howlan faafinta xanuunka aidiska kuwaasi  oo ku milmay shacabka Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here