Akhriso:- Lacagaha Laga Qaadayo Musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha

0

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya oo kulankooda Labaad ee Kalfadhiga 1-aad  maanta ku yeeshay Xarunta Golaha shacabka ayaa ansixiyay lacagaha laga doonayo mushariixinta u taagan xilka Guddoonka Golaha shacabka, aqalka Sare,  iyo Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya.

Kulanka ayaa waxaa si wada jir ah u shir Guddoominayay  Labada Guddoomiye ee KMG ah,waxaana soo xaadiray 247 Mudane oo kala ah 210 Golaha shacabka ee Soomaliya  iyo 37 xubnaha Aqalka Sare, amaanka ayaa si weyn loo adkeeyay.

Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya iyo aqalka Sare ayaa isku raacay in Musharixiinta u taagan Qabashada Xilka Guddoonka Golaha shacabka iyo aqalka Sare in laga qaado lacag dhan  15-kun oo dollar, halka mushariixiinta u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha Soomaliya laga qaado lacag dhan 30-Kun oo Dollar.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here