Waxaa lagu wada in magaalada Boosaaso ay gaaraan Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka puntland oo uu Hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
C/weli Gaas ayaa mudooyin la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada muqdisho waxana lagu wada in maanta si toos ah uu kaga anba baxo muqdisho isagoona tageya Boosaaso.
Safarkaani ayaa waxaa madaxweynaha ku weheliya qaar kamid ah golayaasha kala duwan ee dowladda, waxaana ay kulamo dhanka ammaanka ah layeelan doonaan maamulka gobolka Bari, kan degmada iyo qaybaha bulshada.
Socdaalkaan lafilayo in madaxweynuhu ku aado magaalada Boosaaso ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada dhowaan lagu diley, taliye ku-xigeenkii 3aad ee bilayska Puntland, agaasimihii madaxtooyada Boosaaso iyo xeer ilaaliyihii maxkamadda ciidanka qalabka sida.

