Wararkii Ugu Dambeeyay Deegaanada Dagaalada Ay Ka Dhaceen ee Gobolka Jubada Hoose

0

Xaaladda Deegaanka Yaaq Bishaaro ee Galbeedka  Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa saakay degan kadib markii Shalay ilaa xalay ay ku dagaalameen dadka xoolo dhaqato ah oo  garab Ciidan ka helaya Ciidamada Maamulka Jubba-land iyo dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

Dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka  Bishaaro ee Galbeedka  Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa bilowday kadib markii dadka Xoolo dhaqatada ah ee deegaankaas ku nool iyo Xarakada Al-shabaab ay isku maan dhaafeen bixinta Sakawaada laga qaado dadka.

Dhanka kale Wararka ka imaanaya Tuulada Feer-sagaaro ee Galbeedka Magaalada Kismaayo ee Gobolada Jubada Hoose ayaa ku waramaya in halkaas lagu gowrcay dad kor u dhaafaya 16-ruux oo Xoolo dhaqato ahaa, waxaa sidoo kale jira dad noloshada lagu watay oo kamid ahaa xoolo dhaqatada deegaanka.

Maamulka Jubba-land wali kama uusan hadlin dagaalka ka dhacay deegaankaas iyo Gowraca dadka xoolo dhaqatada loo geystay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here