Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka uu haatan ku dhow yahay in uu burburo islamarkaana gaadiid loo talagalay loo gacan galiyay dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.
Xildhibaaan Nadiif Maxamed Guulleed oo kamid ah Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa idaacadda Simba u sheegay in gaadiid si gaar ah loo talagalay Galmudug lagu wareejiyay Al-shabaab, sidoo kale goobo ay ku sugnaayeen Ciidamada Galmudug laga soo saaray.
“Doorashadii Labada Aqal ee ka dhacday Magaalada Cadaado kadib waxaa dhacay kala tag, Gaadiid-ka Galmudug ayaa lala baxsaday kuwa Shabaab ayaa la siiyay, Ciidamadii Galmudug goobihii ay ku sugnaayeen ayaa laga soo saaray Ciidmada Puntland ayaa la wareegay, dadka haataan kamid ah Galmudug waxa ay doonayaan in ay ka baxaan maamul Goboleedyo kale ayay u hanqaltaagan,waxa dhacaya oo idil waxaa u sabab ah Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed oo dayacay Maamulka”, ayuu Yiri Xildhibaaan Nadiif Maxamed Guulleed.
Mudooyinkii dambe Xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Galmudug ayaa dhaleeceen u jeedinayay Madaxda Sare ee Maamulka Galmudug uu ugu horeeyo Madaxweynaha Maamulkaas C/kariin Xuseen Guulleed.

