Inta la xaqiijiyay 30 qof ayaa dhimatay kadib markii ay doon ay la socdeen koox ciyaarta kubadda cagta iyo taageerayaashooda ay ku degtay harada Lake Albert ee dalka Uganda ee qaarada afrika.
Kooxda oo ka socotay degmada Buliisa ee dalka Uganda ayaa la sheegay inay usii socdeen ciyaar ay iskaga horiman lahaayeen koox ka dhisan degmada Hoima isla dalkaas, waxaa doonta saarnaa dad lagu qiyaasay 45 qof.
dadka ayaa u dabaaldagayay Ciidaaha gaalada.
Ciidamada ilaalada badda ee dalka Uganda ayaa ku howlan sidii loosoo badbaadin lahaa dad la sheegay in ay ka badbaadeen doonta degtay.

