Digniino Layaab Leh oo Loo Jeediyay Ganacsatada Magaalada Boosaaso

0

Kadib markii dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay weeraro dilal u badnaa ay ka fuliyaan Gudaha Magaalada Boosaaso ayaa waxaa digniino culus loo jeediyay Ganacsatada Magaladaas.

Sheekh C/casiis Abuu Muscab afhayeenka dhanka Howlgalada Al-shabaab oo la Hadlay idaacadda shabaab ayaa digniino u jeediyay Ganacsatada Magaaladaas, isagoo ugu digay in ay faraha lasoo galaan howlaha shabaab ay ka wadaan Magaaladaas.

Sidoo kale Afhayeenka dhanka Howlgala Al-shabaab  Abuu Muscab ayaa ugu baaqay Ganacsatada  in ilaaladooda ka badalaan dareyska ay qaataan Ciidamada  maamulka Puntland, iyo ineysan faraha lasoo galin howlgalada  ay ka fulinayaan gudaha magaaladaiyo guud ahaan dadka Boosaaso iney la shaqeeyaan Ciidamada maamulka Puntland.

Magaalada Boosaaso  ee  Gobolka bari waxaa bishaan gudaheeda lagu dilay  xubno kala ahaa taliye kuxigeenka Booliiska Puntland Jamaac Saxardiid, agaasimihii Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Boosaaso Aadan Gaas Haruuse, iyo shalay waxaa lagu dilay Xeer ilaaliyihii Maxkamadda Ciidamada qalabta sida ee Puntland C/kariin Xasan Fardhiye.

 

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here