Maxaa Kasoo Baxay Kulankii Qaar Kamid ah Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Ethopia

0

Magaalada Addis ababa ee xarunta dalka ethopia waxaa maalmihii dambe ku sugnaa Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Koofurgalbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle iyo mas’uuliyiin ka socotay wadamada Imaaraadka Carabta,Itoobiya iyo dalal kale waxaana shirkaas diirada agu saaray arrimaha Doorashada Soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.

Kulanka  oo uu gar wadeen ka ahaa raisulwasaaraha dalka Ethopia,  Hailemariam Desalegn Boshe  ayaa waxbaaha diirada lagu saaray waxaa kamid ahaa sidii loo yareyn lahaa Taagerida, iyo kooxaysiga ay wadaan qaar kamid ah madaxweynayaasha Maamulka Goboleeyada dalka jira.

Madaxweynaha Koofurgalbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo la aaminsan yahay in uu yahay shaqsiga ugu dhaqdhaqaaqa badan madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada ayaa la tilmaamay in uu aqbalay in uu joojiyo ku taageerida mid kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Cabdirashiid Xiddig haatana ah wasiirada dowladda arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya  in uu noqdo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo meesha laga saarayo maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari oo afartii sano aynu soo dhaafnay ahaa Gudoomiyaha Baarlamanka  Federaalka Soomaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha Koofurgalbeed Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh aadana ayaa lagu warmayaa in uu aqbalay in  laga tala geliyo xubnaha Dowladd Goboleedka Koofur GalbeedSoomaliya  ay ku yeelaneyso dowladda Federaalka oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah.

Intaas kadib Madaxweynaha Koofurgalbeed Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh aadan ayaa u duulay dhulka barakeysan ee Makka si uu usoo guto Cimro, kadib bilo badan oo siyaasad adag uu ku jiray, halka labada madaxweyne ee Cabdikariin Xuseen  Guuleed iyo Cali Cabdullaahi  Cosoble ay u ambabaxeen Nairobi.

Dowladda Ethopia oo Soomaliya daris la ah ayaa ah mid ah kamid ah dowladaha faragalinta ku haya Siyaasada Soomaliya iyadoo mar walba kasoo horjeeda in siyaasadda Soomaaliya ay isbadasho.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here