Warsaxaafadeed kaso baxay Puntland ayaa lagu qaybiyay saddexdii kursi ee Puntland ay ka heshay Aqalka Sare ee Federaalka, ka dib markii xoog looga qaaday kuraasti ay xaqa u lahaayen, laakiinse kuraastan dambe ayay kala siman yihiin maamulada kale.
Saddexda xubnood ee Puntland ay heshay ayaa ay sheegtay in la siiyay beelaha Warsangeli, dhulbahante iyo beesha shanaad.
Warsaxaafadeed kaso baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Puntland uu u dagaalamay wax loogu yeeray xuquuqda Puntland, mudana uu u fadhiyay Muqdisho.
Waxaana sido kale Warsaxaafadeedka lagu sheegay in Madaxweynuhu uu sii wadayo dadaalka uu ugu jiro raadinta Xuquuqda Puntland.’
Halkan Hoose Ka Akhriso Warsaxaafadeedka ay Puntland soo saartay:
Madaxweynaha Puntand Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii uu hogaaminayey ee magaalada muqdisho uga qayb gelayey shirka madasha wadatashiga qaran 24 -25 December 2016 ayaa waxa ay guul weyn ka gaareen xal u helidda Kuraastii muranku ku jirey ee gobolada woqooyi, kuwaas oo ay Puntland qayb ku lahayd.
Madaxweynaha waxaa kala qayb galay shirarkii kala duwanaa ee ay madasha qaranku ku yeelatay Madaalada Mudisho Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey iyo masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Puntland.
Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa markasta ku hawlan sidii ay u ilaalin lahayeen xaqqa iyo xuquuda ay leeyihiin shacabka Puntland, isla markaana waxa ay markasta go’aan koodu ahaa sidii ay madasha wada tashiga qaran si hufan ugu qancin lahaayeen in maamulidda xubnahaasi ay xaq u leedahay Puntland!!!!!!
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markuu la tashaday masuuliyiinta Puntland wax garadka iyo aqoonyahanka Puntland waxa uu saddexdaasi kursi ee loogu daray Puntland u qoondeeyey in labo ka mida lasiiyo beelaha harti gaar ahaan beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli, sidoo kalena kursiga sadexaad ayaa waxa uu madaxweynuhu u qoon deeyey beesha shanaad ee deggan Puntland.
Afhayeenka Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac Quraanjecel ayaa maanta warbaahinta u aqriyey warmurtiyeedkaasi ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Puntland isagoona intaasi raaciyey in sida ugu dhaqsiyaha badan loosoo magacaabi doono xubnahaasi.

