Maamulka Puntland ayaa si adag kaga jawaabay Hadaka ka soo yeeray Ha’yada Culumada Soomaaliyeed kaa oo ku aadanaa tartan u dahxeeya gabdhaha Baaskid boolka kana socoda Maamul goboleedyada kaa oo ka furmay Magaalada Garowe.
Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne oo waraysi gaar ah siinayey Idaacadda BBC ayaa kahadlay ciyaaraha kubadda kolayga ee gabdhaha maamulada dalka uga furmay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
Faraweyne oo u ka jawaabayey su’aal ay culimadu ka keeneen tartankaani ayaa waxa uu sheegay in dowladda Puntland ay wakiil katahay shacabkeeda, islamarkaana ay ilaalinayso diinta Islaamka iyo dastuurkeeda diinta Islaamku saldhiggu u tahay, aysana cidna kala tashanayn wixii horumar ah.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in gabdhaha Garoowe tartanku uga furmay ay lamid yihiin kuwa dunida Islaamka aysana qaawanayn ee ay asturan yihiin, islamarkaana aysan haboonayn in laysku mashquuliyo.
Dhinaca kale gudoomiyaha ayaa sheegay in culimada looga baahan yahay in ay kahadlaan tartamada noocaan oo kale ah ee lagu qabto magaalada Muqdisho iyo falalka kale ee ammaan xumo ee kasocda halkaasi.

