Dagaal u Dhaxeeyay Ciidamada Koonfurgalbeed Oo ka Dhacay Degmada Buurhakaba

0

Wararka ka imaanaya degamda buurhakaba ee gobolka Bay ayaa ku waramaya in maanta iska hor imaad xoogan oo u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan kuwa maamulka koonfurgalbeed in uu ka dhacay deegan ku dhow degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay.

Taliyaha  ciidamada Booliska degmada Buurhakaba  Dhame Maxamed Ibraahim Cabdulle oo la hadlay idaacadda Simba ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in iska hor imaadka uu bilowday kadib marki ciidamo gadoodsan oo ka tirsan maamulka koonfurgalbeed ay joojiyeen dhaqdhaqaaqi guud ee gadiidka iskaga kala gooshi jiray muqdisho iyo gobolka bay.

Taliyaha ayaa sheegay in ay isku dhaceen ciidamada Gadoodka sameeyay iyo ciidamo kala islamarkaana uu dhacay iska hor imaad waqti badan socday.

Lama xaqiijin qasaaraha rasmiga ee dhimasho iyo dhaawaca uu sababay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here