Maamulka Somali-land ayaa si kulul ugu hadlay hadal heynta ku aadaneed in gaari ay xirneed Taarikada laga isticmaalo deeganada maamulkaas in loo adeegaday qarixii dhawaan ka dhacay deegaanka Siinka dheer ee duleedka magaalada muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha ee maamulka Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in aysan jirin wararka ku aadan in gaari isticaamayay Taarikada deegaanada maamulkaas lagu fuliyay weerarkii lagu qaaday Saldhig Ciidamada NISA ay ku leeyihiin duleedka Magaalada Muqdisho.
“Dowladda Xamar waxay caado ku dhigatay daan-daansi iyo xad gudub ay mar walba ku soo xad gudubaan oo ay caado ka dhigteen inay wax ka sheegaan ama ay ku soo xad gudbaan Somaliland, waxaana wax aad looga xishoodo ah inay maanta yidhaahdaan Gaadhi qarxay ayaanu ka helnay Taariikada Somaliland, miyaanay arkayn”, ayuu yiri wasiir Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).

