Ciidamada amaanka Maamulka Puntland ayaa maanta Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulkaas kusoo bandhigay 12 kartoon oo Qamri ah iyo shan nin oo lagusoo qabtay maandooriyaha.
Goobta lagu soo bandhigay Qamri ah iyo shan nin oo lagusoo qabtay maandooriyahaan, waxaa ku sugnaa Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Maxamed (Faraweyne) iyo taliyaha qeybta booliska gobolka Nugaal gaashaanle sare Cabdirashiid Maxamuud Aw-xuseen iyo Mas’uuliyiin kale.
Ugu Horeyntii Gaashaanle sare Cabdirashiid Maxamuud Aw-Xuseenayaa sheegay inay ciidanku amnigu labo jibaareen howlgallada lagula dagaalamayo maandooriyaha iyo falalka nabad gelyo darro, wuxuuna u mahad celiyay shacabka Garowe oo uu ku ammaanay inay ciidamada la shaqeynayaan.
Dhanka kale Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Faraweyne ayaa ammaanka huwiyay ciiamada booliska gobolka Nugaal ee howgalkaan fuliyay, wuxuuna sheegay in lagu raad joogo shakhsiyaad kale oo ah raggii Qamrigaan tirada intaa le’eg ah soo geliyay Garowe, wuxuuna balanqaaday in sharciga la horgayndoono cid walba oo ku lug leh falkaan.










