Puntland oo Lagu Eedeeyay in ay Mas’uul Ka Tahay Dib Usoo Laabashada Colaada Gaalkacyo

0

Maamulka Gobalka Mudug ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Shaaciyay  in markale ay bur-burtay Xabad joojintii Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka mudug ay ku gaareen Hogaamiyaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Gudoomiye ku Xigeen Amniga iyo Siyaasada Gobalka Mudug ee Galmudug  Cabdi Maxamed Xuseen oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Puntland ku eedeeyey inay Jabiyeen heshiiskii Xabad joojinta Magaalada Gaalkacyo, islamarkaana ay wadaan ifafaalo maajinayo dagaal mar kale magaalada ka dhaca.

Gudoomiye ku-xigeenka ayaa Sheegay in Ciidamada Puntland ay Bbilaabeen Dagaalkii Shalay ka Dhacay Gaalkacyo kaas oo Tilmaamay in uu ka soo Horjeedo Heshiiskii uu Garwadeenka  ka ahaa Ra’iisulwasaaraha Waqtigiisu Dhamaaday ee Cumar C/rashiid, islamarkaana ay saxiixeen madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here