Madaxweynaha soomaaliya ee waqtigiisu uu dhamaday Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay Xaalada amaan ee Dalka ka dib Qarax dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay Afaafka Hore Dekeda Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay hadal aan laga Filanaynin oo uu ku taageeray dhaq-dhaqaaqa Xaralada Al-shabaab isla-markaan uu ku Duray Dowlada uu Hogaamiyo.
Madaxweyne Xasan ayaa Dowlada Soomaaliyeed uu Madaxweynaha ka yahay waxa uu ku eedeeyey inay ku fashilantay Sugida amniga iyo wax ka qabashada fal danbeyeedyada dalka ka dhaca.
“Goobaha Al-shabaab ay ku sugan yihiin waa nabad, qof laguma dilo qofna laguma kufsado, iyaga ma ogi in ay kufsadaan, dhankeeda dadka ayaa lagu dilaa, qarax ayaa ka dhaca, kufsi ayaa laga geystay”, ayuu yiri madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud.
Mudane Xasan ayaa amaanay qaabka ay u Howlgalaan Al-shabaab oo Dagaal kula Jira Ciidamada Soomaaliya kuwa Wadamada ku Howlgalka AMISOM ee nabad ilaalinta Soomaaliya Hadalkaas oo Noqday Mid Su’aalo badan ka Keenay Bulshada Soomaaliyeed.

