Shimbir ka soo duulay Caasimada Shiinaha ee Beijing oo lagu magacaabo Mengo oo taariikhda markey aheyd 6 september ka soo haajiray waqooyi bari dalka shiinaha ayaa si nabad ah ku yimid Magalaada Mogadisho.
Shimbirka oo lagu magacaabo Mengo ayaa micnihiisyu yahay( shimbirkii riyada) waxaana laga soo xulay school kuyaala gudaha dalka shiinaha.
Safarka shimbirkan waxa la bilaaway shimbiro kale balse hakiyay duulimaadkood ka dib markii qariirada ay ka qaldantay.
Shimbirka Mengo ayaa yimid xeebaha soomaaliya habeenimadi xalay kadib waxa uu u soo duulay koonfurta soomaliya isaga oo soogaaray magaalada Mogadishu kadib 3,400 kilometer oo ah duulimaad aan istaaglaheyn uu kaga yimid dalka india.
“kadib socdaal dheer oo uu kaga soo gudbay dalal kala duwan Mengo ayaa hada ku jira marxaladihii ugu dambeeyay ee socdaalkiisa” sidaasi waxaa yiri qof saxiibkiis ah maalinimadii shalay aheyd.
Mashruuca duulista shimibirkaan waxaa bilaabay terry townshened oo ah nin xanaaneeya shimbiraha una dhashay dalka britian.

