Faah-faahin:-Qarax Waxyeelo Gaarsiiyay Ciidamada Kenya oo Ka Dhacay jubooyinka

0

Wararka ka imaanaya deegaanka Haawinaa ee duleedka degmada Dhoobleey ee Gobolada Jubooyinka ayaa ku waramaya in kolonyo ka tirsan Ciidamada Kenya ee qeybta ah  Howlgalka Amisom in qarax miino lala beegsaday.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa la sheegay in lala helay mid kamid ahaa gaadiidka dagaalka Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Amisom oo ku socdaalayay degmada Dhoobleey ee Gobolada Jubooyinka ee koonfurta dalka Soomaliya.

Ugu yaraan 4 Askari oo katirsan ciidanka dowladda Kenya  ee qeybta ka ah Howlgalka Amisom ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxa iyadoona uu gabi ahaanba Burburay gaarigii Taawga ahaa ee qaraxu haleelay.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaab  ayaa lagu sheegay in ciidankeedu ay gubeen gaari ay la socdeen ciidanka Kenya  ee qeybta ka ah howlgalka Amisom islamarkaana ay dileen askartii gaariga ku dhaxjirtay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here