Diyaarado Dagaal oo Duqeeyay Degmada Qandala ee Gobolka Bari

0

Wararka ka imaanaya Degmada Qandala ee Gobolka Bari ayaa ku waramaya in diyaarado dagaal ay duqeeyeen degmadaas oo wali ay ku xoogan yihiin dagaalyahano ka tirsan Kooxda Daacish-ta Soomaliya .

Duqayntan ayaa la sheegay inay gaysteen diyaarado ajnabi ah, waxaana lala beegsaday  Daacish oo dagaal sidoo kale kaga imaanaya Ciidamada Puntland, Ilaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi.

Dagaalyahanada Daacish  ayaa la wareegay degmada Qandala ee gobolka Bari bishii October 26-keedii iyadoo aan wax iska horimaad ah ka dhicin. Puntland ayaa dhinaceeda wacad ku martay inay magaalada dib u qabsato.

Qandala waa magaalo taariikhi ah oo 80km dhinaca Bari kaga toosan magaalada Boosaaso. Qabsashada Qandala ayaa maleeshiyada Daacish taabacsan u ahayd markii ugu horraysay ee degaaan cayiman oo la yaqaan ay ka qabsadaan maamulka Puntland tan iyo intii jiritaankoodu soo baxay bishii October ee sannadkii 2015-ka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here