Ciidamo Ka Socda Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti  oo Soomaliya Kusoo Wajahan

0

Ciidamo ka socda Dalka Jabuuti ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa in ay soo gaaraan dalka Sooamliya si ay qeyb kaga noqdaan Ciidamada Midowga Afriaka Amisom oo dowladda Soomaliya ka caawinaayo dagaalka lagula jiro Xarakada Al-shabaab.

Guuto cusub oo Milliteri oo lagu magacaabo Hiil 4 oo ka socda Ciiddanka Jabuuti ayaa ku jira Diyaar-garowgii ugu dambeeyey ee ay ugu soo ambabixi lahaayeen dalka Somalia, si ay uga qeyb galaan Dadaalka Nabadda Somaliya.

Wakaalladda Wararka Islaamiga ee IINA News ayaa baahisay inay Ciiddanka cusub soo bedeli lahaa Guutadda Hiil 2 ee Ciiddanka Jabuuti ee ku sugan Gobalka Hiiraan, kuwaasi oo dhamaystay Hawlgalkii ay u joogeen gudaha Somalia.

Taliyaha Milliteriga Jabuuti, Jeneral Zakariya Sheekh Ibraahim ayaa Ciiddanka cusub ee Hiil 4 ku booqday Xeradda Marima ee Jabuuti, wuxuuna kula dardaarmay inay taageero ka geystaan sidii Somalia loogu soo celin lahaa Nabadda iyo Deganaanshaha.

Dhinaca kale, Wasiirka Difaaca ee Dowladda Jabuuti, Mudane Cali Xasan Bahdoon oo la hadlay Guutadda ku soo jeeda Somalia waxa uu ku booriyey inay dadka rayidka taageeraan, isla markaana ay si hufan u gutaan Waajibaadkooda Hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here