Maamulka Puntland ayaa markii ugu horeeyay ka hadlay howlgalka la doonaya in lagula wareego degmada Qandala ee Gobolka Bari oo ay gacanta ku hayaan dagaalyahanada kooxda Daacish-ta Soomaliya.
Guddoomiyaha gobolka Yuusuf Maxamed Wacays Dhaddo oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in dagaal maanta ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo daacish meel 50km u jirta degmada Qandala oo ay ku dileen 7 kamid ah Daacish.
“ Waxanu ku suganahay meel 50km u jirta oo la yiraahdo Afbashaashin, dagaal ayaa halkaa nagu qabsaday, miino ayay noo dhigeen, markii aanu miinadda furanay ayay rasaas nagu soo bilaabeen, waanu iska caabinay” ayuu yiri, wuxuuna sii raaciyay.
Mar uu ka hadlaayay qasaaraha la gaarsiiyay daacish Soomaliya ayuu sheegay in 7-kamid ah kooxda daacish in lagu dilay howlgalka la doonaya in lagula wareego degmada Qandala ee Gobolka Bari, qoryihii ay wateen gacanta lagu hayo xiligaan.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in 24 saac ee soo socota ay dib u qabsan doonaan magaaladda Qandala, isagoo tilmaamay in Daacish-ta ay laayeen dhammaantood ay ahaayeen Soomaali, islamarkaana ku hubaysnaaa qoryo fudud.

