Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaliya oo Ka Qeyb Galay bandhiga todobaadka ee Ciidamada Booliska+Sawirro

0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaliya Maxamed aadan Ibraahim Fargeeti iyo Taliyaha Booliska Soomaliyeed ayaa maanta ka qeyb  galay bandhiga todobaad walba ay sameeyeen Ciidamada Booliska Soomaliyeed kaasi oo ujeedkiisa uu yahay dhiiragelin, tallo bixin iyo isla-xisaabtanka Ciidanka ee uu sameeyo hoggaanka sare.

Ciidamada tababarka sameynayay oo ahaa dhallinyaro soo dhammeysatay dugsiyada sare  ayaa soo soo bandhigay  Dhoola-tus qurux badan, sida Gaadda ka cayaar iyo sawir muujinaya qaab dhismeedka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, iyadoo kooxda Fanaanniinta ee Heeganna ay soo bandhigeen Heeso waxqabadka Booliiska ka hadlaya.

“Ciidammada Booliska Sawirka aan ka heystay wax ka qurux badan ayaan halkaan ku arkay, waxaan ku ilaaway xitaa culeyska masuuliaydda i saaran, sidaa daraadeed waxaan ku yaboohayaa Laba Neef oo Geel ah iyo lacag loogu talo-galay Kooxda Fanka ee Heegan, sidoo kale miisaaniyadda sannadka soo socda ee 2017-ka waxaa lagu dari doonaa ciidammada cusub ee Booliiska ku soo biiray” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Dhanka kale Taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo bandhiggaan toddobaad walba ka qeyb-gala, ayaa sheegay in ciidammada Booliiska looga baahan yahay in ay tusaan bulshadooda sida ay ugu diyaarsan yihiin u adeegiddooda, waxa uu sheegay in muhiimadda koobaad ay tahay anshaxa ciidanka iyo sarreysiinta sharciga dalka, Taliye Xaamud, ayaa lacago abaalmarin ah siiyey dhallinyaradii hoggaamineysay Gaadda ka cayaarka iyo macallintooda, waxa uu sidoo kale si gaar ah abaalmarin u guddoonsiiyey qeybta Music-ga ee Kooxda Heegan.

bol bol1 bol6 bol2 bol4 bol5

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here