Xili maanta dib doorashada aqalka hoose ay kaga bilaabatay magaalada jowhar ayaa waxaa tartamaya mushirixiin badan iyadoona ay jiraan xubno maanta la doortay.
Drs Mina Xasan Maxamed oo la tartameysay musharixiin kale ayaa ku soo baxday doorashada aqalka hoose iyadoona kamid noqotay xildhibaanada cusub waxana Drs Mina Xasan Maxamed ay la timid codod gaaraya 27 cod,
Drs Mina oo ka soo jeeda beesha Abgaal ayaa kamid noqotay xildhibaanada baarlamaanka soomaaliya iyadoona mudooyinki la soo dhaafay lagu eedeyaynayay guddiga doorashooyinka Hirshabeelle in ka gaabiyeen qoondada ay haweenka ku lahaayeen Baarlamaanka.
Waxa ay idacadda simba gowhdow idiin soo gudbindoontaa Doorashooyinka aqalka hoose ee ka socda jowhar hadba Natiijooyinka ku soo kordha.

