Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka Haatan Ka Socda Gobolka Mudug

0

Wararka haatan ka imaanaya deegaanka Dumaye degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in wali uu halkaas ka socda dagaal xoogan oo u dhaxeeya dad xoolo dhaqato ah iyo dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

Dagaalka maanta dib ugu bilowday deegaanka Dumaye degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa dabo jooga dagaal shalay ka dhacay deeegaanka oo u dhaxeeyay Al-shabaab iyo dadka deegaanka, kadib markii dadka xoolo dhaqatada ah ay diideen dalab ahaa in ay bixiyaan waxa shabaab  ay ugu yeeraan Zakawaad oo dadka ay ka qaadaan.

Lama oga khasaaraha halkaasi ka dhashay madaama labadii maalin aynu soo dhaafanay ay  halkaas ku dagaalameen dadka deegaanka iyo Al-shabaab, waxaana wararka ay sidoo kale  sheegayaan in weerarka dagaalkan saakay ay leeyihiin  Al-shabaab.

Maamul Goboleedka Galmudug oo ka hadlayay  dagaalka deegaanka Dumaye degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa sheegay in jawaab ay ka bixin doonaan islamarkaana ay garab taagan yihiin dadka shacabka ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here