Rasaas Haatan Laga Maqlaayo Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug+Dhageyso

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in israsaaseen u dhaxaysa Ciidamo kala taabacsan Maamulada Puntland iyo Galmudug in goordhaweyd ay ka bilaabatay Suuqa Magaaladaas.

Rasaasta labada dhinac ay isweedaarsanayaan oo aad u xoogan badan ayaa lagu waramayaa in mar qur ah ay maqleen shacabkii ku ganacsanaayay suuqa weyn ee Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, iyagoo durbadiiba kala cararay.

Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Galmudug aynu la xiriirnay ayaa ku eedeeyay Ciidamada Maamulka Puntland in weerarka ay iyga soo qaadeen islamarkaana ay si deg deg ah ugu jawaabeen daandaansiga Puntland.

Taliyaha Ciidamada Daraawiishta gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Xasan faarax Kaarshe oo goordaweyd la hadlay idaacad simba ayaa sheegay in ciidamo ka Tirsan kuwa Puntland ay weerar kusoo qaadeen kuwa Galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here