War Deg Deg:-Guddiga Doorashooyinka oo Sheegay in Dib Loo Dhigay Waqtigii Doorashada Madaxweynaha

0

Gudoomiyaha Guddiga Hergalinta Doorashooyinka dabdan ee dalka Cumar Maxamed Cabdulle “Cumar  Dhageey” oo warbaahinta gelinkii dambe ee maanta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in in ay dib u dhacday waqtigii rasmiga ahaa ee doorashada Madaxweynaha Soomaliya oo aheyd 30-ka bishaan November.

Abuukaate Cumar Maxamed Cabdulle “Cumar  Dhageey” Gudoomiyaha Guddiga Hergalinta Doorashooyinka dabdan  aya tilmaamay in  waqti dhow ay dhaceyso doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya, inkastoo uusan sheegin waqtiga rasmiga ah ee doorashada madaxweynaha la qabanaayo, balse waxa uu cadeeyay in ka hor sanadka cusub la qaban doono.

Dhinaca kale gudoomiye Cumar Maxamed Cabdule  (CumarDhageey) ayaa cadeeyay in labo maalin kadib ay bixin doonaan shahaadooyinka ama aqoonsiyada dhamaan xildhibaanada lagu doortay degmooyinka kala duwan ee caasimadaha u ah maamul goboleedyada dalka ka jira.

Sidoo kale  Gudoomiyaha Guddiga Hergalinta Doorashooyinka dabdan wuxuu sheegay in maamul goboleedka Jubbaland uu noqday maamulkii ugu horeeyay ee soo dhameeyay doorashada xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka, ayna sidoo kale rajeynayaan in maamulada kale ay soo gudbiyaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here