Magaalada Jowhar ee Caasimada maamulka Hir-shabeelle waxaa maanta lagu qabtay doorashada xubnaha aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya ku matalaya deeganada Maamulkaas.
Jowhar waxaa maanta lagu doortay Labo (2) mudane oo kala ah:-
1-Aamino Maxamed Cabdi oo heshay 26 Cod
2-Dr. Xuseen Cabdi Cilmi oo heley 34 Cod
Haddaba wadarta guud ee illaa hadda lagu doortay Magaalada Jowhar ee Caasimada maamulka Hir-shabeelle ayaa noqoneysa 26 xildhibaan iyadoo ay dhiman tahay 11 xubnood oo lagu wado in la soo doorto dhawaan.

