Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho waxaa goordhaweyd ka furmay kulan loogu hadlaayo doorashooyinka Soomaliya ka dhacaya sanadkaan 2016-ka.
Kulanka oo goordhaweyd ka furmay Xarunta Xalane waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya,Pro Maxamed Sheekh Cusmaan (jawaari) iyo Wakiilka Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Denjire Michael keating, qodobada ugu waa weyn ee loogu hadlaayo shirkaan intuu socdo waxaa kamid ah doorashooyinka aqalka Hoose iyo sida ugu macquulsan ee lagu dadajin karo doorashaqada aqalka Hoose.

