Wasiirka Amniga ee Maamulka Galmudug Cusmaan Ciise Nuur Taardhuleed oo shir jaraaid ku qabtay Magalada Cadaado ee Caasimada KMG ee Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay dagaalka maalmihii dambe ka socday deegaanka Dumaye degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ee u dhaxeeyay Al-shabaab iyo dad Xoolo dhaqato ah.
Cusmaan Ciise Nuur Taardhuleed ayaa sheegay Ciidamo ka Tirsan kuwa dowlad Goboleedka Galmudug in loo direy deegaanka Dumaye islamrkaana ay ka qeyb qaateen dagaaladii maalmihii dambe ka dhAcayay deegaanka, islamarkaana ay qasaaro gaarsiiyeen Al-shabaab-ka weerarka ku qaaday deegaanka.
Wasiirka amniga ee Maamulka Galmudug Cusmaan Ciise Nuur Taardhuleed ayaa ku eedeeyay dowladda Dhexe ee Soomaliya iyo Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom in aysan ku garab siinin dagaalka ka socda deegaanka Dumaye degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug isagoo ugu baaqay in ay kusoo biiraan dagaalka.
“Dagaalka ka socda deegaanka Dumaye degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug waxaa qasaaro lagu gaarsiiyay Al-shabaab qiyaas ahaan waxaa laga dilay 26-askari, dadkii shacab ahaa ee la dagaalamay sidoo kale qasaaro ayaa soo gaaray, Al-shabaab waxa ay sidoo kale gubeen guryo ay lahaayeen dad Xoolo dhaqato ah oo ka biya diiday in ay bixiyaan lacago baad ah”, ayuu yiri Wasiirka amniga ee Maamulka Galmudug Cusmaan Ciise Nuur Taardhuleed.

