Wararka ka imaanaya Magaalada Barbara ee Somali-land ayaa ku waramaya in mid kamid ahaa maxaabiistii ku xirneyd xabsi ku yaala magaaladaas uu isdaldalay iyadoo sidoo kale xaalad adag ay soo wajahday maxaabista kale ee xabsiga ku jira.
Wararka ayaa intaas ku daraya in lasoo badbaadiyay maxbuus kale oo isagana doonayay inuu is daldalo balse laga gaaray intii aysan naftu ka bixin, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta ka tirsan Maamulka Magaalada Barbara ee Somali-land.
Maxbuuska is daldalay ayaa magaciisa lagu sheegay Ibraahim Waceys Aadan halka mid kale ee la badbaadiyayna la yiraahdo Cabdi Cali Xaashi. Lama sheegin sida ay ugu suurtogashay maxaabiistan inay helaan qalab ay isku daldali karaan.
Dhanka kale Wasiirka cadaalada maamulka Maamulka Somaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay baaritaan ku sameyn doonaan sababta keentay is daldalaada ayna saxaafada u soo bandhigi doonaan.

