Faah-Faahin:-Ciidamada Ahlusuna oo La Wareegay Hoyga Siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal)

0

Degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud ee bartamaha dhulka Soomaliya wararka Caawa ka imaanaya ayaa ku waramaya in Ciidamada amaanka Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca in ay la wareegeen hoyga uu magaaladaasi ka degan yahay Siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal).

Ciidamada Ahlusuna ayaa hoyga Siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal), la wareegay xili uu ka maqnaa sidoo kale Ciidamada  Maamulka Ahlusuna Waljameeca ayaa  hub ka dhigis ku sameeyay  ilaaladii Cabdi Waal, waxayna ula dhaqaaqeen mid ka mid ah xarumaha ay ku leeyihiin magaaladaasi.

Dhanka Afhayeenka Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca Mursal Shiikh Maxamed Xaafow ayaa idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho u xaqiijiyay in Ciidamada amaanka ahlusuna ay la wareegeen gacan ku heynta hoyga Siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal) uu ka dagan yahay degmada gurceel.

Ilaa Hadda si dhab ah looma sababaha ka dameeyay arintaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here