Dilal Xaley ka Dhacay Magaalada Hargeysa

0

Wararka ka imaanaya magaalada hargeysa ee xarunta maamulka soomaaliland ayaa ku waramaya in xaley magaaladaasi ay ka dhaceen dilal qorsheysan oo rag hubeysan ay fuliyeen.

Nin hubeysan islamarkaana wejiga soo duubtay ayaa bartamaha magaalada hargeysa fiidnamadii xaley ku dilay Aadan Faarax Sareeye oo la sheegay in uu ahaa nin farmashi caan ah ku leh magaalada hargeysa.

Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Bilayska Soomaaliland C/raxmaan liibaan fooxle  ayaa warbaahinta u sheegay in gacanta ay ku hayaan rag gaari booyad wato dad shacab ah ay jiirsiiyeen,sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in askari ka tirsan ciidamada soomaaliland uu dilay nin farmashiye ku lahaa hargeysa.

DHinaca kale taliyaha ayaa waxa uu sheegay in qof ay u hayaan ninka hubeysan oo qof shacab aha dilay sidoo kalana la qabtay askari ciidamada soomaaliland ka tirsan oo isagana nin shacab ah dilay.

Ciidamada maamulka soomaaliland ayaa saakay howlgalo ka wado gudaha magaalada hargeysa waxana saakay aan si weyn u shaqeyneyn ganacsiga iyo gaadiidka magaalada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here