Al shabaab oo Weerar Madaafiic Ku Qaaday Ceelbaraf

0

Wararka ka imaanaya deegaanka ceelbaraf ee gobolka shabeelaha dhexe ayaa ku waramaya in al shabaab ay deegaankaasi ku qaadeenw weerar loo adeegsaday madaafiic.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa idaacadda simba u sheegay saakay in ciidamo ka tirsan kuwa al shabaab ay weerar xaley ku qaadeen fariisin ay ciidamada amisom ku leyihiin deegaanka ceelbaraf.

Weerarka oo u badnaa madaafiic ay labada dhinac isweydaarsanayeen ayaan la ogeyn qasaaraha dhimasho iyo dhaawac ay sababeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen dhawaqa madaafiicda balse aysan jirin qasaare soo gaaray dadka shacabka, waxaa fariisinka ciidanka amisom deegaanka uu u jira musaafo kooban iyadoona ciidanka amisom ceelbaraf ay banaanka ka difaacaan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here