Raisulwasaaraha:-“Madaxda Dowladda Faragalin Kuma Hayaan Doorashooyinka Dalka Ka Dhacaya”,

0

Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka  Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa sheegay Madaxda Dowladda inaysan faragelin ku haynin Doorashooyinka dalka ka dhacaya sanadkaan 2016-ka.

Mudane Cumar C/rashiid Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka  Soomaliya  ayaa sheegay  in Doorashada Somaliya ay ka duwan tahay tii hore ee sanadkii 2012-kii oo Ergooyin ay dooranayaan Xildhibaanada cusub ee ka mid noqonaya xubnaha Aqalka hoose ee baarlamanka Federaalka Soomaliya.

“Madaxda dowladda Soomaliya ugu sareysa waxaan idin xaqiijinayaa in aysan ku lug laheyn  Doorashooyinka dalka ka dhacaya sanadkaan 2016-ka, runtii waxyaabaha ay warinayaan dadka qaarkii ee ah madaxda ayaa ku lug leh doorashada waa waxba kama jiraan, waxa wax dooranaya waa qabaa’il, isimada ayaa soo xulay 51 Ergo anaga gacan kuma aynaan laheyn soo xulistooda, Nabadoono hoose ayaa soo qoray Isinkana waa uu saxiixay dad sidaas loo soo xulay,, ayuu yiri Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka  Soomaliya Cumar.

Dhowr jeer oo hore madaxda dowladda Soomaliya ayaa lagu eedeeyay in ay faragalin ku hayaan doorashada Soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here