
Magaalooyinka kismaayo, iyo Baydhabo waxaa goordhaweyd ka bilowday doorashooyinka xubnaha aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ee ku matalaya deeganaada Maamulkaas.
Magaalada Baydhabo wararka haatan naga soo gaaraya ayaa ku waramaya in dib loo bilaabay doorashada xubnaha aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ee ku matalaya deegaanada maamulkaas, iyadoo maanta ay tartami doonaan musharixiin dhowr.
Amaanka Magaalada Baydhabo ee Caasimada KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa si weyn loo adkeeyay waxaa sugida amniga ka qeyb qaadanaya Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaliya iyo kuwa AMISOM.
Dhanka Kale Magaalada Kismaayo ee caasimada KMG ee Maamulka jubba-land waxaa goordhaweyd ka bilaabatay doorashada xubnaha aqalka hoose, waana wajigii 8-aad ee doorashada xubnaha Aqalka hoose.
Mudane Cali Cusmaan Xersi (Cali Jowhar) ayaa kusoo baxay Kursiga ugu horreeyay ee Maanta lagu tartamayay, isagoo ka mid noqon doona mudanayaasha maamulka Jubbaland u matalaya Baarlamanka Soomaaliya 2016-2020-ka.
Dhanka kale Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hir-shabeelle waxaa maanta lagu wadaa in ay ka bilaabao doorashada xubnaha aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya ku matalaya deegaanada maamulkaas, iyadoo muddooyinkii dambe hakad ay ugu jirtay Shaqaaqadii ka dhacday xarunta Doorashada.
