Madaxweynaha Jubba-land oo Dib Ugu Laabtay Magaalada Kismaayo+Sawirro

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe  ayaa maanta dib ugu laabtay   Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Dowlad goboleedka Jubbaland xili maalmahii lasoo dhafay uu safar shaqo ugu maqnaa qaar kamid ah dalalka dibada.

Xubno katirsan labada gole ee maamulka Jubba-land qaar kamid ah Xildhibaanada la doortay ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Magaalada Kismaayo.

Madaxweynahu waxaa maalmahii lasoo dhafay uu Safar shaqo ku joogay Magaalada Addis Ababa halkaas oo uu kula kulmay Madaxda Dalka Itoobiya oo uu kala hadlayay iskaashiga labada dhinaca ee dhinaca nabadgalyada iyo hawlaha doorashooyinka ee dalka kasocda sidii Dowlada Itoobiya ay uga gacan siin lahayd Jubbaland iyo guud ahaan Soomaaliya hawlaha nabadgalyada maadama meelo badan oo dalka kamid ah ay jooga Ciidamada Itoobiya oo qayb ka ah hawlgalka AMISOM.

Sidoo kale Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam waxaa uu soo maray Magaalada Nairobi halkaas oo ay isku arkeen Madaxda dalkaas iyo qaar kamid ah Diblumaasiyiinta Shisheeye ee fadhigoodu yahay Nairobi.

15095099_768384546635782_7328922457413296146_n

15129427_768384529969117_2257971356280207144_o

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here