Musharax Madaxweyne Mudane Jibriil Ibraahim Cabdule oo maanta Shir Jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya ayaa ka hadlay doorashooyinka ka socda Caasimada dowlad goboleedka dalka ka jira iyo caqabadaha doorashada haysta.
Ugu horeyntii Musharax madaxweyne Mudane Jibriil Ibraahim Cabdule ayaa tacsi u direy qoyska iyo eheladi uu ka baxay Ala u Naxariisteen Xildhibaan Daahir Xaaaji Geelle oo ku geeriyooday magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland kadib markii wadanaha istaagay.
Musharax madaxweyne Mudane Jibriil Ibraahim Cabdule oo ka hadlayay doorashooyinka ka socda dowlad Goboleedka ayaa sheegay in doorashooyinkii dhacay in la musuq-maasuq islamarkaana la weeciyay qaabkii loogu talagalay in ay u dhacdo doorashada aqalka hoose iyo aqalka Sare.
Sidoo kale Musharax Madaxweyne Jibriil Ibraahim Cabdule ayaa sheegay in lagu takri falay geedi socodka doorashada Soomaliya iyo nidaamkeeda isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in Hay’adihii madaxa banaanaa ee loo xilsaaray hagida doorashada Soomaliya in ay gabeen Shaqadiisa loo ikmaday.
Jibriil Ibraahim Cabdule Musharax Madaxweyne ayaa sheegay in ay aad kaga walaacsan yihiin dib u dhacyada ku imaanayo mar walba doorashada Soomaliya ka dhacaya islamarkaana haatan la qorsheeyay In mar kale dib loo dhigo doorashada.
Musharax madaxweyne Mudane Jibriil Ibraahim Cabdule ayaa ku eedeeyay Guddiga Hergalinta doorashooyinka dadban in ay ku guuldareysteen in ay shacabka u sheegaan dib dhaca doorashada, isagoo ugu baaqay guddiga doorashada in ay runta u sheegaan malaayiinta soomaliyeed ee ku nool daafaha dunida.
Sidoo kale Mudane Jibriil Ibraahim Cabdule Musharax Madaxweyne ayaa sheegay in xayiraad lagu soo rogay Howlaha qaranka ee la qaban lahaa, islamarkaana aysan jirin howlo xiligaan ka socda Hay’adaha dowliga wuxuu Carabka ku adkeeyay musharax Jabriil in aan la aqbali Karin in In umudda Soomaliyeed la jahwareeyiyo.
Mar uu ka hadlaayay Mushaaraadka shaqaalaha dowladda ayuu sheegay Mudane Jibriil Ibraahim Cabdule Musharax Madaxweyne in aan wax mushaar ah la bixinin 6-dii bilood aynu soo dhaafnay Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaliya, Shaqaalaha dowladda sida Xildhibaanada Qaranka Soomaliya.
Mar uu ka hadlaayay Canshuurta ayuu sheegay Jibriil Ibraahim Cabdule Musharax Madaxweyne in sidii loo qaadi jirey Canshuurta dalka in loo qaado islamarkaana aan lagu ridin banki-ga dhexe Soomaliya taasi badalkeedana loo adeegsado Olalaha doorashada.

