Hanti dhowraha Qaranka Soomaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale oo wareysi siinayay Laanta afka soomaliga ee Voa-da ayaa sheegay in musuq maasuq iyo ku tagri fal awoodeed ay hareeyeen doorashooyinka Labada aqal ee ka kala dhacay deegaanada dowlad Goboleedyada dalka jira.
Dr. Nuur Faarax Jimcaale Hanti dhowraha Qaranka aya tilmaamay in 6-kursi oo la doortay aan loo marin sifooyinkii sharciga ahaa ee ay ku heshiiyeen Madaxda Hogaamiyaasha madasha Wadatashiga, qaarkood gacan taag loogu codeeyay, isagoo tilmaamay in xafiiskiisa Hanti dhowraha Qaranka uu wado baaritaan ku aadan arrimahan.
“Arrinta iga soo baxday doorashooyinka sax ma ahan, cabasho badan ayaa xafiiskeyga soo gaartay oo ah in kuraasta qaar ay ku tartamayeen shaqsiyaad magac u yaal ah, qaarna tartamayaasha ahaa dibada lagu reebay, ergooyinka qaarkood lacag lagu kala gadanayay, waxyaabo abdan oo qalad ah ayaa laga soo sheegayaa deegaanada maamul goboleedyada”ayuu yiri Hanti dhowraha Qaranka Dr. Nuur Faarax.
Sidoo kale Hanti dhowraha Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa sheegay in Magaalooyinka Cadaado, Jowhar, Kismaayo iyo Baydhabo ay yihiin kuwa ugu badan ay ka dhaceen masuq-maasuqa doorashada labada aqal ee dalka.
Ugu dambeyntii Hanti dhowraha Qaranka Soomaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa sheegay in kuraasta baarlamanka Federaalka Soomaliya ee Cusub qaarkood lagu kala iibsaday lacago badan islamarkaana ay haatan wadaan baaritaano ku aadan arintaas dhawaan ay soo bandhigi doonaan.

