Baraka Elias, oo ah ninka ugu dheer dalka Tanzania islamarkaana dhirirkiisa lagu qiyaaso 2.20 mitir, ayaa sheegay in uu u baahnaa in qaliin lagaga badalayo misikta kaddib markii ay waxyeello ka soo gaartay kufitaan.
Balse dhaqaatiirka ugu waa weyn dalka tanzani ayaa ku gacan seeray arinta qaliinka lagu sameynayo Baraka Elias, oo ah ninka ugu dheer dalkaas sababtoo ah in sariiraha isbitaalku aysan la ekeen Karin.
Sidoo kale dhaqaatiirta dalka Tanzania waxay sheegeen in qalabka baaritaanka ee X-ray loo yaqaanno uusan ku haboonayn qof dhererkaas oo kale leh. Qaar ka mid ah warbaahinta dalkaasi ayaa iygana xaqiijiyay sheekada Elias,Hanaanka caafimaadka ee Tanzania ayaa liita marka loo eego kuwa reer galbeedka.
Elias oo la sheegay in uu yahay ninka ugu dheer Tanzania ayaa laanta afka Sawaaxiliga ee BBC u sheegay in dakhaatiirtu ay hadda isku dayayaan in lagu soo daweeyo dibadda.
Baraka Elias ayaa sheegay in dad badan ay la yaabaan dhererkiisa, balse ay isaga la tahay wax “caadi ah”

